Sawirro: Gudoomiyaha cusub ee maxkamadda Racfaanka oo si rasmi ah xilka ula wareegay

25 June 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa si rasmi xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore Xasan Maxamed Cali Wariiri.

Xafladda Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan, iyadoo gudoomiyaha cusub ee maxkamadda Racfaanka uu si rasmi ah xilkaasi ugala wareegay gudoomiyihii hore

Saalax Sheekh Ibraahim gudoomiyaha maxkamada Racfaanka oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu xilkiisa u gudan doono si hufan oo caddaalad leh isagoo ka codsaday howlwadeennada maxkamadda iney ula shaqeeyaan si wanaagsan.

Guddoomiye Saalax Sheekh Ibraahim waa aqoon yahan ku taqasusay garsoorka, wuxuna shahaadada Bachelor of Law, ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee dalka Suudan, isaga oo sidoo kalena Shahaadada Master of Law ka sameeyey isla Jaamacaddaasi International University of Africa ee Suudan.

saalax_3

saalax_1

Puntlandes.com

About The Author