Dhagayso: Dallada PUNSAA oo ugu baaqday Saxaafada inay ilaaliso Anshaxa saxaafadda & dowladda Puntlandna ay ilaalinta xorriyada hadalka

25 June 2016 (Puntlandes) Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada aan dowliga ahayn Puntland ee PUNSAA Nuur Shire Cismaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay xayiraada ay dowladdu ku soo rogtey Radio Daljir iyo caburinta saxaafada madaxa banaan.
226-4a4
Nuur Shire ayaa sheegay in inaysan Saxaafaddu Xaq u lahayn warar been abuur ah ama Bulshada Colaad u keenaya inay baahiso, waana in Suxufiyuunta ay dhawraan Sharciga Saxaafadda ee dalku leeyahayn.

Gudoomiyaha PUNSAA ayaa dowladda ugu baaqay iney ogolaato xorriyada saxaafada isla markasna waxay qoonsato si hufan sharciga u marayso, sidoo kale suxufiyiinta ayuu sheegay inay dhowraan anshaxa saxaafada una hogaan samaan sharciga dalka.

Ugu dambayntiina Nuur Shire ayaa sheegay inay PUNSAA ogolaan doonin in sharciga dalka lagu tunto dowlad iyo Shacab ba.

Dhagayso Shirkii jaraa’id ee Nuur Shire


Puntlandes.com

About The Author