BREAKING NEWS: Dhagayso go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Baydhabo

25 June 2016 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa lasoo gabagabeeyey Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Baydhabo, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ay ku qeexan yihiin go’aanadii kasoo baxay Shirka  Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ay ku yeelatay magaalada Baydhabo 22dii ilaa 25tii June 2016.

226-3

Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay Madasha ayaa waxaa ka mid ah:

  1. In Dib u eegid lagu sameeyey Xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Qaran
  2. In la Xaqiijiyo inay dalka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal Cod ah marka la gaaro sanadka 2020ka
  3. In la xaqiijiyo in Dumarka soomaaliyeed ay helaan Kootada loo xadiday ee ah 30%
  4. In la isku raacay liiska rasmiga ah ee Odoyaasha 135 ah ee soo Xulaya Ergada
  5. Waxaa la magacaabay Guddi kasoo talo bixiya Maqaamka magaalada Muqdoisho Gudigu wuxuu ka kooban yahay 19 Xubnood oo ay 5 ka mid ah ay soo magacawday DFS, halka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banadir ay soo macaabeen mid labo Xubnood, Guddiguna wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17 Luulyo/July 2016ka
  6. Waxaa la isku raacay Miisaaniyadd faahfaahsan iyo Jadwal cad oo ku saabsan in Doorashadu ku qabsoonto Xiligii loogu talagalay
  7. Waxaa Madashu isku raacday in soo xulida Xildhibaanda kasoo jeeda Somaliland ay yeelaya Hanaan u gooni ah, si taas loo xaqiijiyana loo saaro Guddiyo
  8. Madashu waxay isku raacday in 2 xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare Beelaha Banaadiriga (Reer Xamarka)
  9. Madashu waxay Ansixisay Qaab Dhismeed Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si WAAFAQSAN QAAB DHISMEEDKA FEDERAALKA
  10. Madashu waxay dib u eegid ku samaysay Shaxda Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka waxay 3 Kursi oo Beelahaa Harti ah iyo 1 Kursi oo Beesha Madaluul/Dir u wareejisay Jubaland
  11. In Shirka soo socda lagu qabto Muqdisho 17ka – 20ka bisha Luulyo 2016ka

Dhagayso Warmurtiyeedkii oo uu Akhrinayo Wasiirka Warfaafinta DFS Mareeye


Puntlandes.com

About The Author