Sawirro: Madaxda dalka oo ka qeyb galay Daahfurka Qorshaha Qaran ee sadexda sano

29 June 2016 (Puntlandes) Kulanka lagu soo bandhigayey Daahfurka Qorshaha Qaran ee sadexda sano ee soo socota oo ka bilaabaneysa January 2017-ka kuna ek December 2019-ka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay madaxweynaha DFS Xasan Sheakh, Raysul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid, gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheakh Cismaan (Jawaari) xubno katirsan golaha wasiirada oo uu kamid ahaa wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ahaa xubno ka socday QM oo wasaarada Qorsheynta ka saaciday in ay hesho xogo la xiriira sameynta qorshaha qaran ee sadexda sano ee soo socota.

Ugu horeyn wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Qaloocow ayaa madaxda hortooda kaga sheekeeyey sida uu kusoo bilowday sameynta qorshaha qaranka, iyo dadaalada dheeriga ah ee wasaaradu ay ku bixisay in la sameeyo qorshe qaran oo soconaya mudo sadex sano ah.

“Mudane madaxweyne mudanayaal wasaaradu juhdi badan ayey galisay in la sameeyo qorshaha qaranka, waxaan la kaashanay hey’ado caalami ah oo qaarkood nasiiyey xogo aan u baahneyn”ayuu yiri wasiir ku xogeenka.

Sidoo kale wasiirka wasaarada qorsheynta ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte oo isna sharaxaad dheeri ah ka bixiyey Daahfurka Qorshaha Qaran ee sadexda sano loogu talo galay, ayaa sheegay in u jeedooyinka ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay wax ka qabashada Saboolnimada, kor u kaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee aan ka leenahay waaxaa kamid ah in aan yareyno saboolnimada, horumarin aan ku sameyno dhaqaalaha dalka, iyo arimo kale oo shacabkeenu ay u baahan yihiin”ayuu yiri wasiir C/raxmaan Ceynte.

Raysul wasaaraha DFS Cumar C/rashiid oo kahadlay kulanka waxa uu sheegay in howl muhiim ah ay qabteen masuuliyiinta wasaarada Qorsheynta ee xukuumada Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena u jeediyey talooyin muhiim ah oo mudan in lagu kordhiyo Qorshaha qaran ee sadexda sano ee soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheakh Cismaan jawaari oo isana hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in muhiimada sameynta qorshaha qaran ay tahay in caalamka la tusiyo waxa dalkeenu uu u baahan yahay in laga taageero, islamarkaana caalamku uu ogaan doono waxa mudan in Soomaalida laga kaalmeeyo, maadaama buu yiri gudoomiyuhu hada la sameeyey qorshe qaran oo muujinaya waxa aan u baahanahay.

“Waxaan dhihi lahaa Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada iyo madaxweynahaba waxa ay sameeyey wax ay ku faanaan, waxa ay sameeyeen oo ay dalka u reebeen dhaxal muhiim ah oo ay ku faani karaan”ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud oo kulanka kahadlay ayaa u mahad celiyey wasaarada qorsheynta iyo xubnihii kasoo shaqeeyey in la sameeyo qorshaha qaran, isagoo madaxweynuhu tilmaamay in wax badan ay arintani fududeyn doonto.

W/D:-Muxudiin MMC

IMG_0149

d4877cc0-b12e-41cf-a19a-db0f8707ba45

 

 

2bddd7c5-efa0-41d5-841d-84f24fe3da21

5b9b247d-0058-4648-ac1e-015248ebfc09

35a1a97b-42b3-4dc8-ac16-ae774d4a510d

058c39b7-6a42-48e7-8f90-dce94d7bd365

aa60904d-ea05-4fb7-b004-ba40f13e9cb6

c67015d3-b8e5-44b6-8c29-efff8b931f05

cfdefa67-e61c-4205-a1fc-6685af62322e

d4877cc0-b12e-41cf-a19a-db0f8707ba45

f0f59a78-1690-44dd-9304-c9e8e2fac35a

fa3a4281-d9f2-4c96-816f-4e487a8170b3

fdaaff8d-0d08-445c-90ba-162beddf4f50

Puntlandes.com

 

 

About The Author