Sawiro: Hoobiyaal xalay lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada Baydhabo

2 July 2016 (Puntlandes) Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku geeriyotay labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki weerar Hoobiyaal loo adeegsaday lagu qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaafiicdan ayaa waxa ay ku dhaceen xaafado ku dhow Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliaya sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Hoobiyaasha lagu weeraray magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay guri ay degenaayeen qoys ka kooban 12 ruux iyadoo saddex ruux ay ka badbaaday qoyskaas waxaana ku dhintey saddex ka mid ah qoyska iyadoo inta kalana ay dhaawacmeen. Qoyskan ayaa waxaa ay degenaayeen meel ku dhow xarunta madaxtooyadii hore ee gobolka Bay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan weerarkan lagu qaaday magaalada Baydhabo.

Weerarkana ayaa waxa uu dhacay iyadoo lagu gudo jiro dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan Muslimiin badana ay u taagnaayeen salaada Tahajudka oo masaajidyada ku cibaadeysanayeen. Ma jiro illaa iyo hadda cid sheegatay weerarka hoobiyaasha ee lagu qaaday magaalada Baydhabo.

IMG_1940-1IMG_1945IMG_1955IMG_1957

Puntlandes.com

About The Author