Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyay Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya

2 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay Xaflad Casho Sharaf ah oo lagu Sagootinayay Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya u Sameeyay Masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFS, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, iyo Xuno matalayay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS oo ku hadlayay Magaca Madaxweynaha JFS, ayaa gabagabadii xafladda sheegay in Munaasabaddan uu soo qaban qaabiyay Madaxeynaha Soomaaliya, Ujeedkuna uu ahaa sagootinta dabaaldagyadii Maalmaha Xorriyadda oo si weyn oo isku mid looga wada Xusay Soomaaliya iyo Caalamka meel kasta oo ay Soomaalidu ku nooshahay.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale munaasibadda la iskula wada dardaarmay in si wadajir ah looga wada qeybqaato ilaalinta Midnimada Soomaaliya iyo laga wada qeyb qaato ilaalinta nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

IMG_4227IMG_4228IMG_4229IMG_4230IMG_4231IMG_4232IMG_4234IMG_4235IMG_4236IMG_4243IMG_4245IMG_4247IMG_4250IMG_4254IMG_4255IMG_4256IMG_4258IMG_4260IMG_4262IMG_4264IMG_4268IMG_4272IMG_4282IMG_4287IMG_4288IMG_4291IMG_4294IMG_4297IMG_4298IMG_4299IMG_4301IMG_4303IMG_4304IMG_4305IMG_4306IMG_4308IMG_4311IMG_4314IMG_4315IMG_4317IMG_4323IMG_4329IMG_4330IMG_4332IMG_4334IMG_4335IMG_4346IMG_4348IMG_4352

Puntlandes.com

About The Author