Sawiro-Faallo: Gaalkacyo & Isbedelka ay ka samaysay dawlada Dr Cabdiwali

4 July 2016 (Puntlandes) Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr cabdiwali Maxamed Cali Gaas waa tii ugu waxqabadka badnayd magaalada Gaalkacyo intii ay jirtay Puntland oo ah 18 sano.

Xukuumadihii hore ee ay madaxda ka ahaayeen AUN Cabdulaahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole waxay Gaalkacyo ka qaadan jireen lacag Canshuur dadkeeda looga qaaday oo inta Jawaano laga buuxsado laga dal-dalan jiray, Gobolka iyo magaaladana xukunkooda waxay gacanta u geliyeen Rag waxqabad dawladeed iyo dawladnimo u qaba Laaluush iyo lunsasho Hanti ummaddeed.

Maanta Gaalkacyo waxay dawlada Dr Cabdiwali dib usoo celisay Bilicdeedii ay lahaan jirtay, kadib markii ay dudumisay Guryihii sida Sharci darada ah looga dhistay Laamiga hareerihiisa, waxay dhisme ku bilowday Madaxtooyo ay markii u horaysay Gaalkacyo yeelato, waxay dayactir ku wadaa dhamaan Guryihii dawladii hore ee Soomaaliya ay lahayd oo ay si qasab ah uga kicisay dad haystay ilaa iyo 1991dii iyadoo ay dawladihii ka horeeyey dawlada Dr Cabdiwali aysan ba isku dayin inay baneeyaan Xurumaha ummadda loogu adeegi lahaa.

Waxay kaloo dawlada Dr Cabdiwali dhistay wadooyin badan oo ay Gaalkacyo yeelato markii u horaysay intii ay jirtay, hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay Akhristayaasheeda la wadaagaysaa bilicda iyo wadooyinka ay kusoo kordhisay dawlada Dr Cabdiwali magaalada Gaalkacyo iyo Madaxtooyada Gaalkacyo oo ay dhismaheeda wado.

226-9a7

226-9a9

226-9a11

226-9a12

226-9a6

226-9a8

226-9a10

Puntlandes.com

About The Author