Qeybtii 2Aad ,,Gurmadkii Puntland

Qeybtii 2Aad ,,Gurmadkii Puntland

Runtu rag waa ka nixisaa mase disho…

Puntland haddaynu nahay In yar baa xaqiiqadaan dareemi karta, ogaan karta ama fahmi karta, waayo waxaa qarisay dareenkii,garashadii, xiskii iyo qofnimadii Puntlander-nimada hummaag ama malluug mucaaradku faafinayo.

****************************************************************************
Akhristow, intaa wax yar u kaadisid akhrinta #Faalladan bal ka fakar todobaddaan (7) arrimood:

  1. Bal ka warran….Nin inta dalkiisa uu soo cunay, Misana qurbaha shaah ku cabaya oo weli murmaya!!!
  2. Qof goynaya Laan-sare oo uu geedka kaga fadhiyo !!!
  3. Qof isu haysta in isaga keliya loo qorey inuu wacdiyo ummadda..!!!!
  4. Qof inta uu rooxaan iska shiday oo didiyey, Markay kusoo noqon weydayna dareen weyn uu galay !!!
  5. Qof markaad ku tiraahdid “War sida aynu isu dhaanno!!”, ku oranaya “War aniga igu dhaansan maysid!!!”
  6. Qof had iyo jeer dareen ka qaba rooxaantii abtigii, walaalkii ama xididkiisa, oo mar kasta diyaar u ah inuu iska cuudiyo(dilo) !!!.
  7. Qof aaminay in rooxaantiisu ka duwan tahay tan walaalahiisa kale, Shaqana aysan isku lahayn!!!

******************************************************************************

Araggii indhaheenna baa wax si ka noqdeen” Qof waliba wuxuu isu haystaa inuu keligiis yahay, Si kastoo aad yeeshid, marna ishaadu arki kari mayso Caliga,!!!! Waa hummaag aad ka digtoon tahay!

Alla nimanku, diricsanaa, aqooon badanaa, bulsheysanaa, ilka caddays badanaa markay xilalka hayaana Wadani-sanaa, Farxad badanaa , marka kalena dacaayad badanaa, xanaaq badanaa, misana been badanaa!!! ,B,B,B,B,B,

Duf ku baxa!

War buktada habaar ha noogu darina!!

La noqda habaarkiina!

PUNTLAND weligeed way jirtay, iyadoo inta ka tabar yar, kana tayo yar, Waa tii la yiri waagii…..HEE…Isweydii adigu ?!!!

Marka aynu wada hadalno, weynu is maqli karnaaye, Ummad dhan oo wada hummaag ah, oo isheedu arki karin shakhsi, Sidee baan wax ugu sheegaa ?, Talo u siin karaa ? Siyaasad ugala hadli karaa ?, Diin ugu muxaadareyn karaa ? amaba u garan karaan waxay haystaan iyo waxa ka maqan!!! WADEECA ALLA !!!

Si aan akhristaha arrintaan ugu jilciyo, bal aan soo qaato arrin xusid mudan

Waxaa indhowaalaba isku dirayay shacabka iyo dowlada raga leh magacyadan

Wirwir & Wareer
Nama taqaanaaniin & GENERAL WAAWAREEY
Qurba-joog & Abaari-keentay
Sabuul & Sisin
IWM.

Ruuxna weli isma weydiin, haddii rooxaanta layska cuudiyo – layska shido wax walboo ay ku dhisnayd burburaan ama qaac noqdaan!!!in aynu xal mideysan u heli karno hummaageenna iyo codkeenna

Dadaal iyo figfigi nuguma yara!!!

227-1b3

           Viva Puntland

Qore:- Abshir Xaaji Abdulaahi

           Abshir Dhiirane

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author