Dhegayso: Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo Xilkii la wareegay

9 July 2016 (Puntlandes) Taliyaha Cusub ee qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa maanta xilkii kala wareegay taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool.
227-5b2

Taliyahii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare Dool ayaa sheegay in xilku meerto uu yahay, isagoona taliyaha Cusub ee la magcaabay u rajeeyay in shaqada rabi u fududeeyo, isagoo bulshada Gobolka Mudug ugu baaqay inay la shaqeeyaan Masuliyiinta Cusub ee Booliska Mudug loo magacaabay.

Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Dhexe Cabdiwaaxid ayaa sheegay in Booliiska Gobolka Mudug ay dyaar u yihiin la dagaalanka dambiyada, waxaana intaas uu raaciyay in ciidanku ay bilaabayaan hawlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa isna hadal uu jeediyay waxaa uu ka hadlay shaqadsa iyo masuuliyada saaran Booliska, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay wada shaqayn dhex marta Hay’adaha ayna uwada shaqeeyaan sida ay u kala hooseeyaan.

Dhegayso Taliyihii Hore ee Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug, Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Wasiirka Amniga Puntland


Puntlandes.com

About The Author