Dhageyso-Sawirro: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Gaalkayco Yacquub oo maanta Maxkamad lasoo taagay

10 July 2016 (Puntlandes) Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta lasoo taagay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle, isagoo maalmahaan ku xirnaa Saldhiga Dhexe ee magaalada Garowe.

Xeer ilaalimta ayaa sheegtay in Yacquub Maxamed Cabdalle loo haysto kadib mrkuu saxaafada ka siidaayay hadalo Nacayb iyo Colaad abuuri karay, isagoo ka hadlayay isbadelkii uu madaxweyanaha Puntland dhawaan ku sameeyay maamulka gobolka Mudug.

Qareenka difaacayay Yacquub Maxamed Cabdalle oo lagu magacaabo qareen Siciid Cabdi Muumin ayaa beeniyay  eedaynta wuxuuna sheegay in Yacquub yahay muwaadin reer Puntland oo xaq uleh inuu soo bandhigi karo aragtidiisa iyo fekerkiisa xorta.

Dhageyso codka qareenka diafaacaya Yacquub.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Nugaal Sheekh Cabdi Nuur Jaamac Xuseen ayaa  ku dhawaaqay in go’aanka Maxkamada dib loo dhigay ilaa 12 bishaan oo ku beegan taladaada soo socota.

Daawo sawirro










Puntlandes.com

 

About The Author