Sawirro: Banaan bax ka dhan ah qaraxii Masjidu Nabawi oo Muqdisho ka dhacay

11 July 2016 (Puntlandes) Boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqidsho ayaa saaka ka qeybgalay Bananabax looga soo horjeeday Qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Madiina gaar ahaan meel ku dhow Masjidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay nabigeena Muxamed NNKH.

Mas’uuliyiintii bananbaxan ka qeybgashay ayaa waxaa kanmid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada DFS, Agaasimaha guud Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha diinta iyo xubno kale.

Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimada Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed qaarkood.

Dadka banaan baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu amaanayo nabigeena Muxamed NNKH iyo guud ahaan ahmiyadda ay leedahaya ilaalinta goobaha xurmadda leh oo ay magaalada Madiina kamid tahay oo uu ku yaalo masjidka labaad ee ugu barakeysan guud ahaan caalamka.

Culimadii banana baxa ka qeybgashay oo qaarkood la hadlay dadkii goobta joogay ayaa sheegay in qofka muslimka ah looga baahan yahay in uu ka dhiidhiyo marka dhibaato loo geysto meelaha barakeysan oo ay kamid yahay masjidka nabigeena Muxamed NNKH oo ku yaala magaalada Madiina oo dhowaan weerar is qarxin ah uu ka dhacay meel aan sidaa ugu dheereyn.

Banan baxa ayaa waxaa culimadii ka qeybgashay kamid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda owqaafta, Sh C/qaadir Soomow iyo culimo kale.

Afartii bishan ayaa qof isku soo xirey walxaha qarxa waxaa isku qarxiyay meel ku dhow masjidka nabigeena, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay guud ahaan dunida muslimka si weyn looga cambaareeyay weerarkaas.

IMG_7515IMG_7518IMG_7520IMG_7522IMG_7526IMG_7529IMG_7530IMG_7534IMG_7535IMG_7537IMG_7542IMG_7544IMG_7554IMG_7577IMG_7583IMG_7585IMG_7590IMG_7592IMG_7598IMG_7607IMG_7618IMG_7620IMG_7621IMG_7622IMG_7625IMG_7627IMG_7628IMG_7633IMG_7647IMG_7655IMG_7687IMG_7700

Puntlandes.com

About The Author