Dhagayso-Sawirro: Xisaabiyaha ee Maaliyadda Gobolka Mudug oo xilkii la wareegay maanta

11 July 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta xilka la wareegay Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulle Sanweyne, isagoona xilka kala wareegay Siihaye Cabdi Jaamac oo ah Kaaliyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug isagoona xilkaasi sii hayay tan iyo markii uu geeriyooday Xisaabiyihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Allaha unaxariistee Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare)
Munaasabadda xilwareejinta ayaa maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, waxaana kasoo qeybgalay Masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Maareeyaha Garoonka C/llaahi Yuusuf Gaalkacyo, Saraakiil ciidan, Nabaddoono iyo Marti sharaf kaloo farabadan.
Kaaliyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug ahaana sii hayaha xilka Xisaabiyaha Mudane Cabdi Jaamac ayaa xilkii si rasmi ah ugu wareejiyay Xisaabiyaha cusub ee loo soo magacaabay Maaliyadda Gobolka Mudug Xasan Sanweyne.
Wasiirka Maaliyadda Puntland C/llaahi Sheekh Axmed, Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal C/qaadir Erig iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa si wadajir ah ula dardaarmay xisaabiyaha cusub, waxayna Alle uga baryeen in uu u fududeeyo shaqada hortaal.

Dhagayso Warbixin

 

DSC05906

DSC05914DSC05917

 

DSC05923

DSC05924DSC05919DSC05922DSC05924DSC05954DSC05956DSC05979

Puntlandes.com

About The Author