Alshabaab oo la wareegay magaalada Marka

11 July 2016 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii DFS.

Magaalada_marka

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Marka. Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabelaha Hoose ayaa u jirta 90km magaalaga Muqdisho halka ay Laanta Buur na u jirto 60km.

Ka bixitaanka Ciidamada DFS ee magaalada Marka ayaa ka dambeysay markii xalay Alshabaab weerar aad u xoog badan ku qaaday Saldhig Ciidamada DFS ku lahaayeen Xerada Laanta Buuro.

Ma jirto illaa iyo iminka wax hadala ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan qabsashada magaalada ee Al-Shabaab.

Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada dowladda ay isaga baxaan Magaalada Marka, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan ay aheyd markii Al-Shabaab ay la wareegeen Marka, kadib markii ciidamada dowladda isaga baxeen.

Puntlandes.com

About The Author