Alshabaab oo xalay bandow ku soo rogay magaalada Marka

12 July 2016 (Puntlandes) Magaalada Marka ayaa wararka ka imaanayaa sheegayaan in xalay Kooxda Alshabaab ay bandow ku soo rogeen magaaladaas, kadib markii shalay ay la wareegeen.

Magaalada_marka

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka uu dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa ganacsiga, xaaladana ay tahay mid degan oo aanay wax dhibaato ah Alshabaab ka geysan markii ay la wareegeen.

Saraakiilka tirsan Alshabaab ayaa dadka kula hadlay baabuur cod baahiyeyaal ku rakiban, iyagoo ku wargeliyay in magaalada bandaw tahay, lana soo celinayo amniga.

Ciidamada DFS ee isaga baxay magaalada Marka ayaa la ogeyn sababaha ay uga baxeen magaalada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay geyn doonaan magaalada Marka, si aysan mar kale u soo laaban in ciidamada DFS ay marna ka baxaan marna galaan.

Bishii Febraayo ayay aheyd markii sidan oo kale gacan ku heynta magaalada Marka ay noqotay mid isu dhaaftay ciidamada dowladda iyo Alshabaab .

Puntlandes.com

About The Author