Sawirro: Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho u yimid qiimeynta doorashooyinka

12 July 2016 (Puntlandes) Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo qiimeyn ku sameynaya qaabka ay u socoto diyaar garowga doorashada lagu wado in sanadkan 2016 ay ka dhacdo Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga oo ka kooban afar xubnood ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, AMISOM, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wakiilada qaar ka mid ah Beesha Caalamka.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxa ay la kulmeen madaxda ka tirsan howgalka Midwga Afrika ee Soomaaliya sida wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira iyo sidoo kale ku xigeenkiisa  General Nakibus Lakara.

Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya maxamed Cumar Carte.

Sanadkan gudahiisa ayaa lagu wadaa in  Soomaaliya  ay gasho isbedal cusub, waxaana dalka lagu wadaa in bilaha August iyo September ay ka dhacdo doorashada labada aqal ee Baarlamaanka, Guddoonkiisa iyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.




 

Puntlandes.com

About The Author