Sawirro:Hay’ada Shaqalaha rayidka ah oo qaaday waraysi shaqo(Job Interview) ee Madax qaybeedka Xisaabaadka. (Finance Unit Heads)

Hay’ada shaqalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) oo qaaday waraysi shaqo (Job Interview) ee MadaxqaybeedyadaXisaabadka(Finance Unit Heads)) ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo,waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo dabagalka(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dadka laga qaaday waraysiga shaqo (Job Interview) ayaa ah dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka gudbaan imtixaankii qoraalka ahaa, una soo gudbaan wareega 3aad ee waraysiga shaqo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Said Shabac oo daah furay waraysiga shaqo ayaa sheegay in ay Hay’addu muddoyinkii ugu danbayeey ku hawlanayd dar dargalinta nidaamka shaqo qorista ee ay Hay’addu masuulka ka tahay, Guddoomiyaha ayaa  intaas ku daray  in  dadka laga qaadayo waraysiga shaqo (Job Interview) ay yihiin dadkii hore u fariistay imtixaamkii la qaaday (25th June 2016),  Maanta iyo shalayna lagu hawlanaa waraysiga shaqo (Job Interview).

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka lala yeeshay waraysiga tirro ahaan dhanyihiin 32 qof oo kala ah 7 haween ah iyo 25 rag ah, isla markaana la shaacin doono 9ka qof ee ku guulaystay shaqada muddo kooban gudahood.

Waraysiga shaqo (Job Interviewga) ayaa waxa qaadayeey dad aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh, isla markaana lagu soo xulay kartidooda, aqoontooda iyo waayo aragnimooda la xiriirta qaadida waraysiga shaqo(Job Interview), waxa iyaguna goob joogayaal(Obversers) ka ahaa xubno matalaya dhammaan Wasaaradaha , Hay’adahashaqaala loo qorayo iyo Hay’adda caalamiga ee Geopolicity Inc.

Waraysiga shaqo ayaa ah kii Saddexaad ee ay Hay’adda Shaqalaha Rayidka qaaddo muddo Sadex bilood guddahood ah, waxay  ahayd bishii hore markii ay hay’addu qaaday waraysiga shaqo ee Madaxqaybeedyada iibka( Procurement Unit Heads).

Mashruucan oo ah tayaynta iyo shaqo qorista qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa  qayb ka ah balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo Shaqalaha rayidka ee Dowladda-Puntland si shacabka loogu gudbiyo adeeg hufan(Better Service Delivery) sidoo kale waa fursad shaqo abuur oo loo samaynayo dhalinyarada reer Puntland ee wax ku baratay dalka iyo dibadaba.

227-5d4

227-5d5

227-5d6

227-5d7

227-5d8
Puntlandes.com

About The Author