Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Nuugaal oo dib u dhigtay Dacwadii Yacquub

12 July 2016 (Puntlandes) Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dib u dhigtay Dacwadii  Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Mudug Yacquub Maxamed Cabdalla.

227-5c3

Gudoomiyaha Maxkamada Darajadda koowaad ayaa dhagaysi ka dib sheegay in dacwada Yacquub dib markale maxkamadu racfaan uga qaadatay mana cadayn xiliga dib laysugu soo noqon doono.

Yacquub ayay dhawaan Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Nugaal ay Xabsiga dhigeen taas oo ay sababtay hadalo uu Yacquub ka jeediyay Warbaahinta kuna dhaliilayey wax ka bedelkii uu ku sameyey Gobolka Mudug, kaasoo huwanaa kicin.

About The Author