BREAKING NEWS: C/kariin Guuleed oo loola cararay Isbitaal ku yaal dalka India

13 July 2016 (Puntlandes) Madaxaweynaha maamulka Galmudug Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa sida ay XOG ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxaa loola cararay Isbitaal ku yaala dalka India (Hindiya)

226-3

Sida ay XOGTA ku heshay Warbaahinta Puntlandes Cabidkarin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uga soo booday Wandana xanuun, isagoo xiligaas ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warka ayaa intaas ku daraya in si deg deg loogu qaaday Cabidkarin dalka India halkaas oo hada lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad. Dhaqaatiirta la tacaalaya Cabidkarin ayaa sheegtay in xididada siiya dhiiga Wadna ay baruuri xirtay sidaas daraadeedna uu xanuunku ka haleelay Wadnaha.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxweynaha Galmuduga Cabdikarin Guuleed iminka lagu dabiibayo Isbtiaal ku yaala magaalada Mumbai ee dalka India.

Puntlandes.com

About The Author