Ciidanka Sirdoonka & Nabadsugida DFS oo Qabtay Gaari lagu weerari laha mid ka mida Hotelada Muqdisho

14 July 2016 (Puntlandes) Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida DFS ee NISA ayaa Qabatay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo la doonayay in lagu weeraro mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho.

224-8a5

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Xaqiijiyay qabashada ninkaasi iyo dhagarta uu umada soomaaliyeed la damacsanaa ka hortagida ay ku sameeyeen Ciidanka NISA.

Afayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ninka waday Gaariga ay ciidamda Gacanta ku dhigeen uu damacsanaa in uu weeraro Hotelka Maka AlMukarama oo shir uu ka socdo.

Hotelka Maka Al-mukarama ee la doonayay in weerarkan laga gaysto ayaa waxaa ka socday shir, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda.

Puntlandes.com

About The Author