IGAD oo dhexdhexaadin ka bilowday maamulada Bakool Sare & KGS

14 July 2016 (Puntlandes) Wafdi ka socda IDAG oo uu hogaaminayey wakiilka uruur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Am Maxamed Cabdi Afeey ayaa shalay gaaray magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, si ay uga bilaabaan wadahadal maamulka Bakool Sare iyo kan KGS.

227-6c

Wafdi ayaa dhanka kale waxaa ka mid ahaa Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta DFS Maxamed Jaamac Mursal “Geelle”  oo kasoo jeeda degaanadaas.

Maamulka Bakool Sare ayaa ka kooban degmooyinka kala ah Ceel-Barde, sida Yeed iyo Aato, waxay ka go’een maamulka KGS ee Shariif Xasan Maxadaweynaha ka yahay tabasho darteed.

Danjiraha Ururu Gobaleedka IGAD, Mudane Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay leeyihiin in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Bakool Sare iyo Dowlad Gobaleedka Koofur Galeed Soomaaliya.

Danjire Afeey, wuxuu kulanka ka sheegay in IGAD ay fududeeneyso wadahadalka dhex mari doona siyaasiyiinta deegaanka Ceelbarde iyo dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author