Golaha Wasiirrada DFS oo dalka ka cayriyey Hay’ado Turki ah

16 July 2016 (Puntlandes) Golaha Wasiirada DFS oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir guddoominayay Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaareen dalka iyo dadka Turkiya ee aan walaalaha nahay.

227-7b2

Dawladda F. Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa Dawlada iyo shacabka an walaalaha nahay ee Turkiya. Waxana goluhu tacsi u direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dhacdadaasi, iyadoo Intii dhaawaca ahna ilaahey uga baryey caafimaad deg deg ah in uu siiyo.

Golaha Wasiirrada DFS oo dalka ka cayriyey Hay’ado Turki ah

1. Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
2. In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.

3. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.

 

Puntlandes.com

About The Author