Sawirro: Masuuliyiinya ka socda dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey deegaano hootaga Degmada Ceerigaabo

Agaasimaha warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Col. Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan ayaa safarro shaqo oo isugu jira wacyigelin la xiriirta sidii shacabka gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada gobolka ku tegey deegaanada Hadaaftimo, Ceelbuh, Carmale iyo Shimbiraale oo ah deegaano aan ka fogeyn  Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Masuuliyiintaan muddadii ay ku jireen safarkooda waxa ay kala kulmeen dhammaan deegaanadaasi ay gaareen soo dhoweyno aad u heersarreeya  oo ay soo abaabuleen dadka ku dhaqan deegaanadaasi, kuwaas oo lulayey Calanka dawladda Puntland iyo kan Qaranka Soomaaliyeed.

Deegaanada qaybtood oo hoos taga Degmada Ceerigaabo una jira magaalada Ceerigaabo wax ka yar 30km  ayay Masuuliyiintaasi gaareen iyadoo xilligaasi ay ka socodeen dibad baxyo lagaga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee uu maamulka Somaliland kawado galbeedka gobolka Sanaag.

Boqollaalkii dadweynaha ahaa ee masuuliyiintaasi ku soo dhoweeyey deegaandaasi ayaa ka codsaday Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba in ay tallaabo sharciya  ka qaadaan kuwa ka shaqaynaya inay khal-khal nabadgelyo darro ka abuuraan dhulka Puntland ee Nabadda iyo xasilloonidu ka jirto.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la hadlay boqollaal dadweyne oo ku soo dhoweeyey deegaano kala duwan ayaa gaarsiiyey salaan iyo hambalyo uu ka wadey Madaxweynaha dawladda Puntland, waxaana uu ku boorriyey  in ay la shaqeeyaan ciidamada dawladda Puntland ee ku gaaf-wareeegaya jiidaha hore si’ay u xaqiijiyaan nabadgelyada gobolkaasi.

Ugu dambay, masuuliyiintaan ayaa booqday fadhiisimo ay ciidamada difaaca Puntland ka samaysteen deegaano kala duwan oo dhaca galbeedka gobolka sanaag, waxaana ay masuuliyiintani gaarsiiyeen ciidamada salaan sharaf ay uga wadeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyagoona ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin difaaca dalkooda habeen iyo maalinba.

227-7b4a

227-7b4b

227-7b4c

227-7b4d

227-7b4e

227-7b4e1

227-7b4e2

227-7bf
Puntlandes.com

About The Author