Sawirro-Wasiirka Cadaalada Puntland oo Booqday Xabsiga Gaalkacyo

16 July 2016 (Puntlandes) Wasiirka wasaarada cadalada dawlada Puntland ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xabsiga weyn wuxuuna sidoo kale kulan la qaatay ciidamada ilaalada xabsiga.

Wasiirka oo kormeerkiisa uu ku weheliyey taliyaha ciidamada Asluubta ee gobolka Mudug iyo agaasimaha wasaarada caadaalada ayey ugu guur galeen xaalada maxaabiista iyo baahiyaha ka jira xabsiga weyn ee Gaalkacyo.

Wasiirka oo warbaahinta kulaha hadlay gudaha xabsigaasi ayaa sheegay in u jeedda socdaalkiisu yahay sidii xabsiga uga warqabi lahaa baahiyaha ka jira waxaana sidoo kale uu sheegay in kor looqaaday baahiyaha ka jira xabsigaasi.

Wasiirka cadaalada Puntland Xabiib jaamac ayaa dhankale ka hadlay shabaabkii dhawaan lagu qabtay dagaaladii Nugaal iyo Mudug waxaana uu sheegay in caruurtii xabsiga lagu xanaaneeyo sidoo kalana kuwii waa weynaa maxkamad u socoto.

12345678910

Puntlandes.com

About The Author