Kooxaha Semifinalka usoo gudbay ee Tartanka dawlad Goboledyada & G. Banaadir

20 July 2016 (Puntlandes) Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka socda Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir kaasoo hada galay Wareegii Semi finalka.

Kooxaha ku tartamaya ayaa awaxay kala ahaayeen iskuguna aadeen sidatan:

Guruub A

Puntland (Dawlad Goboleed)

Banaadir (Gobolka Banaadir)

Koonfur Galbeed (Dawlad Goboleed)

Guruub B

Jubbland (Dawlad Goboleed)

Galmudug (Dawlad Goboleed?)

Hiiraan & Shabelaha Dhexe (wali ma dhismin)

Hoos ka eeg dhibcaha ay kala heleen:

Guruub A Badisay laga badiyey Barbardhac Dhibco
Puntland 1 0 1 4
Banaadir 1 0 1 4
Koonfur Galbeed 0 2 0 0
Guruub B
Jubbland. 1 1 0 3
Galmudug 0 2 0 0
Hiiraan & Shabelaha Dhexe 2 0 0 6

 

Waxaa haray labada Kooxood ee kala ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaan Semi final usoo baxay Banaadir, Puntland, Jubbland iyo Hiiraan & Shabelaha Dhexe

Maalinta Jimcaha ee bisha July ay tahay 22ka ayaa waxaa bilaabanaya wareega Semi finalka waxaana usoo baxay oo ku tartamaya Kooxaha kala ah:

Wareegan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa waxay Kooxahu isugu aadayaan sidatan:

Banadir Vs Jubaland

Puntland Vs Hiiraan & Shabelaha Dhexe

Haddii aanu Koox Koox u eegno:

Gobolaka Banadir

228-1b

Kooxda Banaadir ayaa waxay ku soo baxday 4 Dhibcood, iyadoo kasoo badisay Koonfur Galbeed halka ay barbardhac la gashay Kooxda Puntland.

Jubaland

228-1b1

 

Kooxda Jubaland ayaa waxay ku soo baxday 3 Dhibcood, iyadoo kasoo badisay Galmudug.

Puntland

228-2a

Kooxda Puntland ayaa waxay ku soo baxday 4 Dhibcood, iyadoo kasoo badisay Koonfur Galbeed halka ay barbardhac la gashay Kooxda Gobolka Banaadir.

Hiiraan & Shabelaha Dhexe

228-1b3

Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe ayaa noqday xulkii ugu dhibco badan helay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka ilaa iyo iminka, iyagoo haysta 6 Dhibcood.

Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe waxay kasoo badisay Galmudug iyo Jubaland.

Tartankan Ciyaaraha Kubadda Cagta ayaa lagu wadaa inuu soo gabgaboobo  25ka bishan July oo ku beegan Isniinta soo socota, waana tartankii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo ay ay Ciyaartooyda ka qayb galaysa ay soo bandhigeen Ciyaar wanaagsan oo xiiso saa’id ah keentay.

Puntlandes.com

About The Author