Dhagayso-Sawirro: Musharaxa Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Fagaase oo kulan la qaatey Golaha Cusub ee Degaanka Degmada Gaalkacyo

20 July 2016 (Puntlandes) Musharax Cismaan Salaad Fagaase oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaysa Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, kaasoo lagu wado in Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Gaalkacyo inay Doortaan Sabtida nagu soo fool leh oo ay bishu tahay 23ka ayaa waxa uu kuölan balaaran la yeeshay Xildhibaanada Golaha Deegaan Gaalkacyo.

Musharax Fagaase ayaa ka mid ah 4 Musharax oo isku soo taagtay qabashada xilka Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Musharuxa oo leh Tacliin Jaamacadeed iyo waajo aragtinimo dhanka Golaha Deegaan, Ciidamada, Caafimaadka, Shaqaali dawladeed iyo ganacsi Xirfadaas oo ay Gaalkacyo u baahan tahay.

 

Kulankan uu maanta isku yeeray Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo ayuu musharaxu uga codsaday inay codkooda siiyan, waxaana intaas kadib uu soo bandhigay waxqabadkiisa uu doonayo in uu ku hogaamiyo Maamulka Degmada Gaalkacyo.

Musharax Cismaan Salaad Fagaase ayaa horay uga so mid noqday Golihii Deegaanka Degmada Gaalkacyo Sanadkii 2009 ee ay shacabka Gaalkacyo ku XUSUUSTAAN WAXQAD uuna hogaaminayey mas’uulkii ugu waxqadka badnaa Degmada Gaalkacyo Cabdirixmaan Maxamuud Xaaji Xasan.

Dhagayso Khudbad aad u qiimo badan oo uu jeediyey Musharax Cismaan Salad fagaase

1

13

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

Puntlandes.com

 

About The Author