Madaxwaynaha Turkiga oo ku Dhawaaqay Xaalad Deg Deg Ah

21 July 2016 (Puntlandes) Kadib markii uu Madaxweynaha Turkiga  Rajab Dayib Erdogan uu kulan la qaatay xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo guddiga amniga Qaranka, ayaa waxa u raagga wararka fidiya u qabtay shir jara’id, uu kaga dhawaaqay inuu dalka geliyay Qaanuun xaalaad deg deg ah, sida uu sheegay lagu sugayo amniga dalka.

227-10a

Wuxuuna intaa raaciyay inuusan Qaanuunkaa wax cabaurin ah u geysaneyn, xuriyada hadalka,waana markii ugu horeysay Taariikhda Turkiga, go’aan noocan ah lagu soo rogo dalka Turkiga ka gadaal isku daygii  Inqqilaabkii Fashilmay.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararaka Turkiga Anadol, Madaxweynuhu, wuuxuu go’aanka Xaaladda  deg degga ah ee uu dalka Turkiga ku soo rogay, u cuskaday isla markaana waafijiyay qodobka 120-aad ee Dastuurka dalkaasi, kaasoo xusaya hadii amniga dalka uu qalqalgalo uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu qaado Talaabo noocan ahi.

Puntlandes.com

About The Author