Sawirro: Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista

21 July 2016 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda DFS Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaa maanta dhagax dhigay Dugisga Xabsiga dhexe ee Xamar,kaasoo loogu tala galay  inay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay in dugsigan uu noqon doono mid wax lagu baro maxaabiista laguna dhaqan celiyo,wuxuuna sidoo kale ku micneeyay tallaabadan mid kaalin ka qaadaneysa toosinta iyo waxbarida maxaabiista.

“Dugsigan waxa uu noqonayaa mid ay wax ku bartaan maxaabiista, waxaana lagu kala qiimeyn doonaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoontooda”Ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe.

Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee maalgalinaya dhismaha dugisga xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa Taliska Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed ku ammaanay dedaalka ay mujiyeen mid  wax badan kusoo kordhiyey Maxaabiista dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr; Axmed Cali Daahir ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in halkii la ciqaabi lahaa oo kaliya wax la baro maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar,wuxuuna taasi ku tilmaamay mid wax weyn ka beddelaysa dhaqankooda.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada Cadaaladda DFS C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) ayaa ganacsatada kale ku boorriyey in ay muujiyaan doorkooda isagoo u mahad celiyey ganacsadaha maal galinaya howshan iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Asluubta 1

Asluubta 2

Asluubta 3

Asluubta 4

Asluubta 5

Asluubta 6

Asluubta 7

Asluubta 8

Asluubta 9

Asluubta 10Asluubta 11

Asluubta 12

Puntlandes.com

About The Author