Daawo Video: Odayaasha reer Hiiraan oo ku dhawaaqay inay sameysanayaan Maamul goboleed

21 July 2016 (Puntlandes) Odayaasha dhaqanka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhisan doonaan Maamul Goboleed leh Baarlamaan iyo Madaxweyne, isla markaana aysan jiri doonin cid ay wax ku darsanayaan.
228-1b5
Afhayeenka Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Beledweyn, isagoo ka warbixinayay kulamadii ay la qaateen Urur Goboleedka IGAD.

Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa yiri “Reer Hiiraan waa tashadeen, waxaa leenahay IGAD waxba ha ku soo lugo’ina, Beledweyn qarash yuusan idinka dhamaan, reer Hiiraan hadaa u heystaan labo gobol iyo saddex gobol imaada”.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in maalmaha soo socda la caleema saari doono Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isagoo intaa ku daray in caleema saarka kadib ay guda geli doonaan Maamul gaar ah oo ay yeeshaan dadka reer Hiiraan.

“Waxaa guda geli doonaa caana-shubka Ugaas Xasan kadib maamul ay leeyihiin dadka reer Hiiraan, Madaxweyne iyo Baarlamaan ayaa sameysaneynaa ku bishaareysta, waa maamul goboleed cid aan wax ku darsaneyno ma jirto”ayuu mar kale yiri Ugaas Cali.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado inay ka qeyb galaan caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Puntlandes.com

About The Author