Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka khudbad ka jeediyey Munaasabaddii doorashada Duqqa Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23-July-2016  magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay munaasabadda Doorashada duqqa Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa oo goor dhoweyd lagu soo gebagebeeyey xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista ee GECPD ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan labada gole xukuumadda, guddoonka gobolka Mudug, garsoorka gobolka mudug, xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.

Duqqa degmada ayaa waxa isu soo sharraxay 4 musharrax, halka ku xigeenkana ay isu soo sharraxeen laba musharrax iyadoona ugu dambayn uu ku guulaystey duqqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey, halka ku-xigeenkana uu ku guulaystey Farxaan Cabdi Gaafaa.

Markii ay doorashadu dhammaatay isla markaana lagu dhawaaqay natiijada ayaa waxaa labadaaasi masuul loo dhaariyey xilalkaasi loo doortay si xasaanad loo siiyo, waxaana ay ballan qaadeen in ay si daacadnimo iyo hufnaani ku jirto ugu adeegi doonaan bulshada degmada Gaalkacyo, iyagoona ka dalbaday dawladda dhexe wada shaqayn iyo garab istaag.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horrayn  hambalyo u diray labadaasi masuul ee la doortay, waxaana uu u rajeeyey in ilaahay uu ku asturo masuuliyaddaasi culus ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulkaasi cusub in ay bulshada daacadnimo ugu adeegaan, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan shaqooyinka baaxadda leh ee hortaalla, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay yihiin halyeyo dhallin yaro ah oo loo han weyn yahay.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xusay in magaalada Gaalkacyo ay maanta heshay ehelkeedi isla markaana looga baahan yahay Masuuliyiintaan dhallin yarada ah in ay maskaxdooda cusub ugu faa’iideeyaan bulshadooda horumarka iyo nabad-gelyada jecel.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday in ay dalwadda dhexe la shaqayn doonto maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, balse waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay yihiin maamulkaani cidda looga baahan yahay in ay muujiyaan dar-dargelinta shaqooyinka baaxadda leh  ee degmada Gaalkacyo.
IMG_9433IMG_9438IMG_9442IMG_9447IMG_9452IMG_9453IMG_9462IMG_9465IMG_9467IMG_9468IMG_9469IMG_9470IMG_9471IMG_9472IMG_9475IMG_9476IMG_9479IMG_9482IMG_9483IMG_9489IMG_9493IMG_9498IMG_9505IMG_9506IMG_9508IMG_9511IMG_9515IMG_9518IMG_9519IMG_9520IMG_9523IMG_9528IMG_9530IMG_9534IMG_9535IMG_9537IMG_9541IMG_9545IMG_9548IMG_9550IMG_9560IMG_9563IMG_9570IMG_9573IMG_9574IMG_9576IMG_9577IMG_9578IMG_9579IMG_9580IMG_9583IMG_9594IMG_9603IMG_9606IMG_9612IMG_9616IMG_9618IMG_9621IMG_9625IMG_9629IMG_9630

About The Author