Daawo Sawirro Ciidanka NISA Oo Muqdisho Ku Qabtay Gaari Walxaha Qarxa Ay Saaranyihiin

24 July 2016 (Puntlandes) Ciidanka Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, kaas oo la dhigay meel  Wadada Dhinaceeda.
Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in gaariga la dhigay goob wadada dhinaceeda ah oo ay aad ugu badanyihiin dadka shacabka ah.
“Dhibaato ayay u maleegayeen dadka masaakiinta ah, waad ujeeddaan gaariga waxaa laga helay Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo”.ayuu yiri Mudane Qaasim
Ugu Dambeyntii Guddomiyaha Degmada ayaa u mahadceliyay Ciidamada Hay’adda NISA iyo Shacabka dagmada oo Markii ay gaariga arkeen ku wargaliyay hay’adaha Amaanka.
IMG_0980IMG_0982IMG_0984IMG_0985IMG_0986IMG_0989IMG_0991IMG_0993IMG_0995IMG_0996IMG_0997IMG_0998IMG_1000IMG_1002IMG_1005IMG_1009IMG_1014IMG_1015IMG_1021IMG_1022IMG_1024IMG_1025IMG_1027IMG_1037IMG_1038IMG_1041
Puntlandes.com

About The Author