Sawirro-Faallo: Madaxweynaha Pakistan oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

24 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalkaas  Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa u magacaabay inay noqoto Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Khadiija Maxamed oo ah Xaaska Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim iyadoo muddo aad u kooban ahayd Safiirka dalka Ciraaq (Oktoober ilaa mars), waxayna sababta ay xilkeeda ku waysay ay ahayd Musuqmaasuq, Hubka ay uga soo iibisay Galmudug Ciraaq iyo Xiriir xoogan oo ay la yeelatay Shiicada Ciraaq, faahfaahin halkan ka Akhriso qoraal ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay

Waxaa wax aan la filayn ah in Safiir Xilkii Safiirnimo loog aqaaday mudo kooban oo ah 6 bilood in hadana isla markiiba loo magacaabo dal kale, Dalka Pakistan inay ka noqoto Safiirka u fadhiya Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxay gacanta u gashay Koox dantooda maahee aan in yar tixgelin siinayn danta guud ee ummadda Soomaaliyeed koocdaasi oo ah Kooxda DAMUL JADIID.

Ugu dambeyn Danjire, Khadiija Al-Makhsuumi waxay mu mutaysatay inay noqoto Safiirka Soomaaliya u fadhiya Pakistan waa inuu qabo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah madaxda Kooxda DAMUL JADIID.

2016723636048430982783110IMG_89022016723636048430829202206IMG_8900-1

2016723636048431252194318IMG_8906

2016723636048431796019822IMG_8915

2016723636048431957123265IMG_8908

Puntlandes.com

About The Author