Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo khudbad u jeediyey shacabka Mudug

24 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka Gobolka Mudug gaar ahaan kan magaalada Galkacyo xilli uu ka qaybgelayey doorashadii maamulka degmada Galkacyo, waxaana uu kahadlay arrimo badan.

226-5c3

Ugu horayn Madaxweyne Gaas ayaa Bogaadiyey dhalinyarada loo soo doortay Xildhibaanada Golaha DeegaankaDegmada Gaalkacyo, kuwaasoo ah Aqoonyahano loo hanwayn yahay.

Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweeyey bogaadiyeyna Gudoomiha cusub ee Degmada Gaalkacyo iyo kuxigeenkiisa, isagoo dhanka kalena amaanay Musharixiintii laga guulaystay.

Madaxweynaha ayaa uga digay Mas’uuliyiinta la doortay iyo Xildhibaanada Golaha DeegaankaDegmada Gaalkacyo inay iskhilaafaan taasoo ragaadinaysa shaqada looga fadhiyo. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Degmada Gaalkacyo inay ku taageeraan maamulka cusub marka ay saxan yihiin ayna meel uga soo wada jeestaan marka ay saxan yihiin. Wuxuuna uga digay inaysan la kala safan haddii ay taas sameeyaana ay iyaga ka go’an tahay ayna u baahan tahay Gaalkacyo Amni iyo Horumar.

Madaxweyne Gaas ayaa cod dheer shacabka Gaalkacyo ugu sheegay inay iminka wixii ka dambeeya isku tashtaan oo ay ka shaqeeyaan Amnigooga iyo Horumarkooda.

Dhagayso Madaxweyne Gaas


Puntlandes.com

About The Author