Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan magaalada Garoowe

24 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo amba baxay magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugnaa muddo bil ku dhow, halkaas oo uu u tagay dib u habaynta maamulka gobolka iyo kan Degmada Gaalkacyo.

227-7a4

Madaxweynaha ayaa hada ku sugan magaalada Burtinle waxaana uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa maamulka Degmada Burtinle isagoo kala hadli doono howlaha Degmada iyo maashaariicda laga fuliyey.

Maanta gelinka dambe ayaa la filayaa inuu soo galo magaalada Garoowe oo hada ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha dowladda Puntland.

Puntlandes.com

About The Author