XOG: Qaar kamida Saxaafada Puntland oo warar Been abuur ah ka faafiyey PLTV

24 July 2016 (Puntlandes) Sida ay qoreen qaar ka mid ah Saxaafada Puntland gaar ahaan Websateyada ay adeegsadaan Mucaaradka dawlada Puntland oo caado ka dhigtay faafinta warar aan xaqiiq ku salaysnayn, waxaana hormuud u ah saxaafadaas Wesite-ka Garoweonline oo si joogto ah been abuur uga sameeya PLTV iyo shaqaalaha Warbaahinta dawlada. Wesite-ka Garoweonline ayaa waxaa iska leh Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Puntland iminkana ah Musharax u tartamaya xilka madaxweyninimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole.

182c

Shaqaalaha Puntland TV ayey shacabka reer Puntland dhamaantood ka marqaati kici karaan inay yihinn shaqaale ka shaqeeya horumarka iyo Difaaca Puntland iyadoo lagu xasuusto qaybtii lixaadka lahayd ee ay qaateen ”Hawlgalkii Danab” ee lagu sifaynayey Kooxdii Argagixisada ee kusoo duushay Puntland bartimihii bishii Marso ee sanadkan, waxaa intaas dheer doorkii ay ka qateen Difaaca Puntland gaar ahaaan markii ay Galmudug oo taageero ka helaysa DFS ay ísku dayday inay hor istaagaan Horumarka Gaalkacyo ay ka waday dawlada Puntland.

Qaybo ka mid ah shaqaalaha PLTV oo ay warbaahinta Puntlandes la xiriirtay ayaa mar aan wax ka waydiinay wararka ay faafisay Garoweonline iyo qaar ka mida saxaafada Puntland oo soo xigtay iyada ayaa waxay ku jawaabeen ”in arintaasi ay tahay Khalad iyo Gaf laga galay Shaqaalaha PLTV oo ah Shaqaale ku shaqeeya duruufo adag iyo buuxinta kaalinta warbaahineed ee shacabka reer Puntland u baahan yihiin, iyagoo ay intaasi ay u dheer tahay khatar Amni kuna tilmaamay warka Garoweonline mid BEEB ABUUR AH AAN SAL IYO RAAL LAHAYN”

227-1b2

Jamaal Carab Yuusuf oo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas uu u magacaabay Agaasimaha guud ee Warbaahinta dawalada Puntland  ayaa waxaa uu yimid xarunta PLTV bilowgii bishan kulana la qaatay Agaasime kuxigeenka iyo shaqaalahsa PLTV, waxa uuna usheegay inuu xilka la wareegi doono dhawaan uuna kasoo guuri doono magaalada Gaalkacyo oo ka shaqaynayey mudo uuna degenaa. Agaasime Jamaal ayaa waxa uu kamid ahaa wafdigii maanta la socday madaxweyne Gaas ee ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

228-2f1

Agaasime kuxeenka warbaahinta dawalada Puntland Daahir afloow iyo qaar ka tirsan shaqaalaha PLTV oo hawlo shaqo ugu sugnaa magaalada Gaalkacyo markii ay soo baxday digreetada lagu magacaabay Agaasimaha guud ee Warbaahinta dawlada Puntland, iyagoo kulan soo dhawayn iyo marxabayn kula qaatay Agaasimaha cusub magaalada Gaalkacyo.

Agaasime Daahir afloow ayaa shaqadiisi si caadi ah u wata isagoo sidoo kale diyaariyey xafladii xil wareejinta iyo soo dhawaynta Agaasimaha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Gaas.

Dhanka kale waxaa Warka PLTV caawa laga soo daayey xarunta PLTV ee London dalka UK arintaas oo hordhac tijaabo u ah qorshe lagu balaarinayo Xafiisyada baahinta wararka ee PLTV ayadoo maamulka TV ga ay qorshaynayaan in la hormariyo dhamaan xafiisya uu PLTV ku leeyahay qaaradaha Yurub, Australia iyo Afrika ee dhanka baahinta wararka.

Puntlandes.com

About The Author