Sawirro: SIDRA oo soo dhaweysay qaybtii labaad ee qorayaa ka qayb galaya bandhig caalaamiga ee buugaagta

24 July 2016 (Puntlandes) Machadka cilmi baarista Puntland ee SIDRA ayaa maanta xarunta machadka ee Garowe kullan soo dhaweyna ugu qabtay qorayaa ka qayb galaya bandhiga caalamiga ee Garowe lagu qaban doono, waxaana qorayaashu ahaayeen Soomaali iyo Ajaaniib.

Waxaana qorayaasha Soomaalida ka xusi karnaa Axmed Faarax Idaaja iyo madaxa shirkadda Scansom Maxamed Shiikh Xasan, dhanka qorayaasha ajaaniibta ah waxaa kamid ahaa Dr G. kapchits oo buugaag Soomaali Engiriis iyo Ruusha qoray.

Madaxa Shirkadda Scansom Maxamed Shiikh Xasan ayaa ugu mahad celiyey qorayaasha ka qayb galka bandhig caalamiga ah ee buugaagta oo Garowe lagu  qaban doono oo 28 bishan lagu qaban doono.

Kullanka intuu socday waxay qorayaashu soo bandhigeen buugaag ay qoreen , waxayna qorayaasha ajaaniibta soo bandhigeen buugaag ay ku qornaayeen afka Soomaaliga kuwaas oo uu ku jiray buug maahmaahyo ah oo la dhaho“ Hubsiimo hal baa la siista;.

Waxaana buugaas qoray Dr Kapchits, qoraayaasha iyo SIDRA ayaa isla qaatay sidii loo sare loogu qaadi lahaa Afka-Soomaaliga, Bandhiga lagu qabanayo Garowe 28 bishan ayaa noqonaysa markii labaad oo Puntland lagu qabto bandhiga caalamiga ah ee buugaagta.

Daawo Sawirrada

_DSC7250 _DSC7251 _DSC7252 _DSC7253 _DSC7255 _DSC7256 _DSC7257 _DSC7259 _DSC7260 _DSC7261 _DSC7262 _DSC7264 _DSC7265 _DSC7267 _DSC7270 _DSC7276 _DSC7279 _DSC7280 _DSC7281 _DSC7282 _DSC7283 _DSC7284 _DSC7285 _DSC7286 _DSC7287 _DSC7291 _DSC7293 _DSC7296 _DSC7300 _DSC7302 _DSC7304

Puntlandes.com

About The Author