Axmed Fiqi “Wasaaradda A. Gudaha waxay ku mashquulsan tahay kaarar bixinta odayaal faalso ah”

25 July 2016 (Puntlandes) Siyaasi Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay wado qorshayaal ay ku afduubeyso doorashada soo socda ee dalka ka dhaceysa.

228-9a1

Axmed Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kaarar aqoonsi ah siisay Odayaal been abuur ah, taasoo uu xusay in la doonayo in lagu musuq maasuqo doorashada.

Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay jufo walba ka qorteen Nabadoon iyo odayaalo faalso ah, waxayna maalmahan ku mashquulsan tahay inay kaarar aqoonsi ah siiso, waxaa la rabaa in doorashada lagu musuq maasuqo, qof iyo cod waa la diiday, odayaasha saxda ahaa waa lagu kalsoonaan waayay, waqtigii saxda ahaa wax waa la qaban waayay, xagee loo socdaa”

Mr Fiqi ayaa sheegay in markii laga tashan lahaa siyaasada oo dadka ay xog heli lahaayeen ay soo baxday warqad ka timid Wasaaradda Amniga oo lagu joojinayo kulamada wada tashiyada ee Hotelada lagu qabanayo, isagoo soo qaatay kulan ay todobaadkii hore yeelan lahaayeen odayaal dhaqameedyo oo Laamaha ammaanka is hor-taageen.

Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Waxaa socota anaga hadaan nala dooraneyn, dalkan meeshuu rabo haka baxo, Madaxweyanaha waa musharax, Ra’iisul Wasaaraha waa musharax iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka isagana waa musharax, waxay rabaan rabitaankooda inay nagu hagaan”

Sidoo kale Axmed Fiqi ayaa sheegay inay dacwad u gudbinayaan Maxkamadda sare, isla markaana amarada ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee lagu joojinayo kulamada siyaasadeed ay yihiin kuwo aan sharci aheyn.

Puntlandes.com

About The Author