Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Garoowe kaga qayb galay Munaasabad ay ku qalin jebinayeen Macallimiin

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-July-2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu maamuusayey in ka badan saddex boqol oo macallin oo ka qalin jebiyey kulliyadda tababarka Macillimiinta ee GTEC.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wax-barashada Puntland, Wasiir ku-xigeenka waxbarashada, xildhibaano, hormuudka kulliyadda GTEC, Abwaano iyo Qoraayo Soomaaliyeed, hay’adda cilmi baarista SIDRA, macallimiinta wax ka dhiga kulliyadda GTEC, waalidiin, macallimiintii ka qalin jebiyey kulliyadda iyo marti sharaf tiro badan.

Kulliyaddaan ayaa sannad walba soo saarta Macallimiin tiro badan  oo ka hawl gala dhammaan gobollada Puntland iyo Soomaaliya, kuwaas oo is beddel mug leh ku sameeya tayada ardayda wax kabarata goobaha waxbarasho ee kala duwan ee gobollada dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda qalin jebinta khudbad ka jeediyey ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka, Macallimiinta, hay’adaha caawiya kulliyadda GTEC iyo macallimiinta ka qalinjebiyey kulliyadda tababarka Macallimiinta ee GTEC.

Madaxweynaha ayaa xusay in macallinnimadu ay tahay shaqada ugu wanaagsan ee uu qof banii’aadam ahi ka shaqeeyo isla markaana waxaa uu tilmaamay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo dedaalka loogu jiro sidii loo soo saari lahaa macallimiin tayo leh oo ka hawl gala Puntland, si ay bulshada reer Puntland uga haqab beesho baahida macallimiinta ee ka jirta.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ayaa ballan qaaday in macallimiintaan ka qalin jebiyey kulliyadda Tababarka ee GTEC lagu dari doono sannadka soo socda Miisaaniyadda dawladda isla markaana ay si toos ah mushaharkooda u bixin doonto dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulliyadda u ballan qaaday in ay dawladdu u dhisi doonto hool weyn oo ay ku qabsadaan shirarka iyo xafladaha qalin jebinta, kaas oo ah mid waqtigaan ay kulliyaddu baahi weyn u qabto.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay Macallimiintii ka qalin jebiyey kulliyadda GTEC in in ay aqoontooda daacadnimo ku daraan isla markaana ay u badka si’ wanaagsan ugu hagar baxaan oo soo saaraan ubada wanaagsan oo dhinac walba ka dhisan.
IMG_9922IMG_9931IMG_9938IMG_9941IMG_9943IMG_9945IMG_9950IMG_9958IMG_9962IMG_9966IMG_9968IMG_9972IMG_9976IMG_9984IMG_9985IMG_9986IMG_9987IMG_9988IMG_9990IMG_9993IMG_9996IMG_9998IMG_0001IMG_0006IMG_0010IMG_0011IMG_0012IMG_0016IMG_0030IMG_0039IMG_0046IMG_0048IMG_0049IMG_0050IMG_0053IMG_0061IMG_0064IMG_0065IMG_0066IMG_0073IMG_0081IMG_0087IMG_0102IMG_0105IMG_0107IMG_0109IMG_0110IMG_0111IMG_0113IMG_0115IMG_0118IMG_0127IMG_0130IMG_0133IMG_0135IMG_0137IMG_0139IMG_0145IMG_0148IMG_0153IMG_0155

About The Author