Guddiga hirgelinta doorashada oo qorshahooda u gudbinaya Madaxda Madasha Wadatashiga qaran

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal ayaa lagu wadaa in qorshahooda ugu dambeeya ee doorashada u gudbiyaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, kuwaasoo 2-da bisha Agosto shir isugu imaanaya.

229-4c1

Guddigan oo uu madax u yahay Avv. Cumar Dhagey oo ah La Taliyaha Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa xubnaha Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay qorshayaashooda la xiriira taaba gelinta doorashada iyo xeerarka ay saldhiga uga dhigayaan doorashooyinka dhici doono.

Wararka ayaa sheegaya in Guddigan ay hor-geyn doonaan shirka Madasha Wada-tashiga qaran codsi ku aadan in labo bil dib loo dhigo doorashada, maadaama xilliga la heysto uu aad u yar yahay.

Guddigan ayaa shir todobaadkii hore ay la qaateen Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating u gudbiyay qorshahooda ugu dambeeya doorashada iyo suurta galnimada in doorashada la qaban doono in waqtigeeda dib uga dhacdo.

Inkastoo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku adkeysanayaan in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay, hadana waxaa jira calaamado muujinaya in doorashada ay dib uga dhici karto waqtigeeda, maadaama howlihii la qaban lahaa ay dib u dhacyo ku yimaadeen, gaar ahaan jadwalkii horay loo soo gudbiyay oo aan haba yaraate waxba laga qaban.

Waxaa laga cabsi qabaa in doorashada ay waqtigeeda dib uga dhacdo, isla markaana ay dawlada iminka ee uu madaxweynha ka yahay Xasan Sheekh ay waqti kororsi ay samayso, maadaama madaxda talada heysa xilkooda ku eg yahay 10-ka bisha September.

Si kastaba ha ahaatee shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la filayaa in go’aano kale oo ku saabsan doorashooyinka ay ka soo baxaan.

Puntlandes

About The Author