Akhriso: Gudiga dib u saxida dawladda Hoose ee Gaalkacyo oo shaaciyay 6 qof oo ku Guulaystay Agaasime Waaxeedyadii

30 July 2016 (Puntlandes) Gudiga dib u saxida Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta shaaciyay 6 xubnood oo dhalinyaro Aqoonyahano ah oo ku guulaystay agaasime waaxeedyada dawladda hoose ee degmada.

226-9a11

Qoraal kasoo baxday Gudiga ayaa lagu sheegay in Duqa magaalada Gaalkacyo uu awood u leeyahay inuu u magacaabo 6 da Xubnood mid kasta meeshuu isleeyahay waa ku haboon yahay, arintan ayaa ah mid cusub iyadoo awal ay soo magacaabi jireen Madaxweynayaashii Puntland.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah 2 gabdhood oo ah Gabdho aqoonyahano ah iyadoo iyana ay tahay wax ku cusub Dawlada Hoose ee Gaalkacyo oo ay boosaskan wada joogeen Rag fadhiyey muddo aad u dheer.

Dawlada Puntland ayaa horay u shaacisay in la tixgalinayo Gabdhaha iyo dadka kasoo jeeda beelaha laga tiro badan yahay.

229-4c2

Puntlandes.com

About The Author