Sawirro: Danjiraha Turkiga oo hadlay Shaqadii hey’adda Nile ee Muqdisho, Baasaboorka Somaliland & Somaliland oo aan joojin howlihii hey’adda Nile

30 July 2016 (Puntlandes) Dowladda Turkiga ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen walaalooda Turkiga kaddib inqilaabkii dhicisoobay ee laba todobaad ka hor ka dhacay dalkaasi.

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in dugsiyadii waxbarashada ee ay maamuli jirtay hey’adda Nile dib loo furi doono bisha Augost, isagoo ugu laabqaboojiyay ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaasi ineysan ka welwelin waxbarashadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bukaannada ku jira Isbitaalka Deva loo wareejiyay isbitaalka  Rajeb Dayip Erdogan Ex Digfeer, wuxuuna ballanqaaday in dhawaan dib loo howlgelindoono Isbitaalka Deva.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal” ayuu yiri Danjire  Olgan Bekar.

Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliland

Danjiraha ayaa soo hadalqaaday dadaallada ay dowladdiisu ugu jirto iney miradhal noqdaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland.

“Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah” ayuu yiri Danjiraha Turkiga.

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa cadeeyey in Shacabka Somaliland aysan ku gelin dalka Turkiya Baasaboorka Soomaaliya, ee ay ku galaan Baasaboorka Soomaaliland marka wax micno ah ma samaynayso haddii ay Fiisaha saaraan Baasaboorka Soomaaliland iyo haddii ay siiyaan dadka u safraya wadankooda warqad ay dhex gashanayaan Baasaboorka Soomaaliland.

Danjirahu marna ma uusan sheegin in shacabka Somaliland ay dalka Turkiya ku galaan Baasaboorka Soomaaliya kaasoo ah kan kaliya ee qofka Soomaaliga ahi dibadda ugu Safro.

Soomaaliland oo aan fulin codsigii dawlada Turkiga ee Shaqo joojinta hey’adda Nile

Wuxuu tibaaxay in maamulka Soomaaliland ay ka codsadeen iney joojiyaan howlihii hey’adda Nile ay ka heysay halkaasi, isagoo caddeeyay ineysan weli ka helin wax jawaab ah.

DSCN2592DSCN2590DSCN2587DSCN2583DSCN2578

Puntlandes.com

About The Author