XOG-FAALLO: Xasan Sheekh oo mar kale Is cimaamadaya & Gaas & Cumar oo hurdo dheeer ku jira!!!

30 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa waxa uu maalmahan waday olole ah sidii mar labaad loo soo dooran lahaa.

222-4d2

Waxa aan wali caddeyn in labada hoggaamiye ee kala ah madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ay la socdaan iyo in ay war ma qabto aan waxba la socon ay yihiin.

22e

Sababtu waxay tahay wax taxadar ah oo ay ka sameeyeen iyo waxa ay ka yeelayaan wali ma jirto, mana muuqato xataa qorshe ay ka leeyihiin. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guda jira Qorshihii dib loogu soo Daaran lahaa ayaa waxa uu si toos ah ula xiriiray Isimo caan ka Puntland, oo horey uu xiriir uga dhaxeeyey, isagoo doonaya inay Xildhibaano ugu  soo xulaan rag isaga uu hubo inay u codeynayaan, ragas oo laga soo shaqaynayey 4tii sano ee uu xukunka hayey.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu u qoondeeyey in uu ku bixiyo Puntland lacag gaareysa ilaa $500000 Doolar, oo uu ugu talagay inuu saamayn ku yeesho Xildhibaanada lasoo xulayo si ay isaga u doortaan. Xasan Sheekh ayaa waxa si aad ah isha ugu  hayaa xildhibaanada Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo uu doonayo in uu ka jaro Hartiga intiisa kale.

Musharixiinta la tartamaysa Xasan Sheekh

Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa waxaa u qorshaysan in rag badan oo Puntland ka soo jeeda oo madaxweynenimada ku tartamaya uu maalgeliyo si ay meesha uga baxdo xoog wayn oo is wata oo isaga ka soo horjeesta.

Xasan Sheekh ayaa aaminsan in Beelaha Daarood ay yihiin kuwa kaliya ee ka soo horjeesan kara riyadiisa ah in uu madaxweyne mar labaad noqdo, ayaa waxaa uu soo diyaarsaday ilaa 6 musharax oo kasoo jeeda Beelaha Daarood oo uu doonayo in midba xoogaa dhinac ula baxo si ay u kala jabaan Beelaha Daarood oo aysan u suurtogalin xoog weyn oo is haysta oo ka yimaada dhankaas.

Sidoo kale waxaa iyana isa soo taagaya oo la tartami doona Xasan Sheekh ilaa 8 Musharax oo Beelaha Hawiye ah waxaana uu iminka ku hawlan yahay sidii uu ula heshiin lahaa oo midba wax ugu qancin lahaa.

Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT

Waxaa kaloo jirta in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT Abuukate Cumar Dhagey iyo Xubno kale oo gaaraya 14, kooxdaas 15 qof ah ayaa waxaa Xasan Sheekh u xilsaaray qabanqaabada dib u doorashadiisa (hadda la soco waa Guddigii ay ahayd inay u dhexeeyaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Musharixiinta u tartamaya Hogaanka dalka!!).

229-4c1

Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT oo ka kooban 22 xubnood oo uu Xasan Sheekh inta badan keensaday ama kuwii uu doonayey loo soo xulay, isagoo gacanta ku haysta 15 Xubnood oo ka mid ah 22 kaas, sidaasna ku Koontaroolaya dhamaan hawlaha Guddigaas kuna dhiiradayba inay u ololeeyaan oo ka shaqeeyaan dib usoo noqoshadiisa.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Xasan Sheekh ayaa si joogto ah habeen walba ama galab walba uga qeybgalaa shirarkooda khaaska ah oo lagu dejinayo Qorshaha dib u Doorashada Xasan Sheekh.

Ganacsato Lacag u balan qaaday Xasan Sheekh

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in shirkii ka dhacay Muqdishu ee koox Muddulood ah ay isugu sameeyey qado sharaf ayey Xasan Sheekh 21 ganacsato oo kasoo jeeda Beesha Abgaal waxay u ballan qaadeen midkiiba in uu siin doono $1 Million oo uu ku  taageerayo sidii uu dib u soo noqon lahaa. Halkaas kaliya Xasan Sheekh waxa uu ku haystaa Dhaqaale uu Doorashada ugu talagalay oo gaaraysa $21 miljan oo doolar.

229-2b2a

Ganacsatada dhammaantood waxay heshiisyo badan oo ganacsi kula jiraan shirkadaha Muqdoshu ka shaqeeya. Waxaa si xowli ah ku socda bixinta iyo gadida dhulkii ay ka tagtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo si bareer ah ay  Xasan Sheekh iyo kooxdiisu u boobayaan lacag fara badana ka samaynayaan.

Dedejin Doorashada

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku dhiiraday oo iminka doonayaa inuu dedejiyo Doorashada maadaama aysan jirin cid kale oo la tartami karta isaga ama uu is leeyahay Kursigaaga ayey Qatar ku yihiin,  habaynadii u dambeeyey ayaa waxaa uu Xasan Sheekh waday inuu ka dhaadhiciyo guddiga doorashada ee dadban inay soo dedejiyaan Doorashada.

229-2b1

 

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu diyaargarowgan ku jiray oo qorshaynayey muddo labo sano ah isagoo habeen iyo maalin ka shaqaynayey sidii uu mar kale u soo noqon lahaa.

Maxay la hor tagayaan musharixiinta kale lama oga wali, laakiin wakhtiga ayaa sheego doona.

Xasan Sheekh oo Doonayo inuu Puntland Dhulka lala Gooyo

Xasan Sheekh ayaa Qorshe dheer u dagay sidii uu ku Rumayn lahaa Riyadiisii uu ku doonayey inuu Puntland Dhulka lala Gooyo, taasoo ay u suurto gashay kadib markii ay Hurdo dheer iska galeen madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo aadba moodo inaysan la socon in Soomaaliya Doorasho ku soo fooleedahay.

22a

Ninka aan ka faa’iidaysan Fursadaha soo mara oo dayacana nin xume dheh, Xasan Sheekh wax kale ma samayn ee fursadii soo martay ayuu ka faa’iidaystay inkasta oo uusan amaan iyo bogaadin midna ku mutaysan sida uu godka dheer ugu sii riday dawladnimadii iyo Rajadii ay ummadda Soomaaliyeed lahayd.

Madaxweyne Gaas Puntland kaliya ma wiiqin intii uu xukunka Puntland hayey ee waxa uu kashaqeeyey oo uu ku caawiyey Xasan Sheekh in uu ku rido Soomaaliya God dheer oo ay adag tahay sidii looga soo saaro, maxaa yeelay isagaaba iminka si gaar ah u yeeshay Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas meeshuu ka shaqayn lahaa danaha Puntland iyo Soomaaliya wuxuu si dadban uga shaqaynayaa BURBURINTA PUNTLAND & SOOMAALIYA maxaa yeelay wuxuu u ogolaaday Xasan Sheekh inuu Burburiyo Puntland & Soomaaliyaba.

229-4c6

Bal doorasho iyo Soomaaliya xagga iska dhig Todobaadkan waxaa soo baxday dawlada Xasan Sheekh oo Cunaqabatayn saartay Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso iyadoo joojisay Diyaaradda Air Shabelle oo isaga kala gooshi jirta UAE iyo Puntland, waa nolol diid Kooxda uu hogaamiyo xasan Sheekh.

229-4a7

Waxaa kaloo soo baxday Hay’adda USAID oo lasoo baxday Map uu xafiiska Xasan Sheekh sameeyey oo ay ku xardhan tahay in Waqooyiga Gobolka Mudug uu yahay dhul lagu muransan yahay!!! Oo yaa ku muransan?

Madaxweyne Gaas waxaas oo dibindaabyo uu Xasan Sheekh u maleegay Puntland waxba lama ahan oo waa iska daba socdaa isagoo Madaxa sidii ruux bahdilan hoos u laalaadinaya.

Maxaa dhaxaya Haddii Xasan Sheekh dib u hanto Kursiga?

Soomaaliya waxay gelaysaa Mugdi ay adkaan doonto inay kasoo noqoto haddii Xasan Sheekh dib u hanto Kursiga, wuxuuna ku dhaqaaqayaa:

  • Federaal bur-burin
  • Iska horkeenta ummadda Soomaaliyeed iyo abuurista dagaalo Sokeeya oo dib dalka uga bilowda
  • Itoobiya iyo Gen Gebre oo si toos ah dalka ula wareega
  • 4 sano oo dhib wayn Soomaaliya u keentay ayaa soo martay taasoo xambaarsanayd Qosol aan la aqoon ujeedadiisa iyo Hurdo dalkaba aan dan laga layn

3a2a

Sooamaaliya uma baahna Xasan Sheekh ee waxay u baahan tahay “Isbedel” dhab ah iyo Hogaamiye dhab ah oo ka saara dhibka iskuna keena.

Puntlandes.com

About The Author