BREAKING NEWS: Weerar Qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho

31 July 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhawayd Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ahba lagu qaaday xarunta Dambi baarista Booliiska DFS, CID ee magaalada Muqdisho, waxaana xaruntaasi hada laga maqlayaa rasaas xoogan.
226-3
Dableyda Weerarka soo qaaday ayaa labo qarax oo is xigay ku weerareen xarunta CID da ee magaalada Muqdisho, waxayna qaraxyada kadib bilaabeen Weerar toos ah oo ay adeegsanayaan rasaas aad u  xoogan oo qaarkood ay ka dhaceyso gudaha xaruntasi, waxaana iminka socda dagaal aad u kulul.

Goobta la weeraray ee xarunta CID-da waxaa ku xiran maxaabiis dambiyo kala duwan loo heesto, waxayna xaruntaani kutaala kasoo horjeedka Hotelka Saxafi ee kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale xaruntaasi ay tahay mid mashquul badan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author