Sawirro: Wararkii u dambeeyey ee Weearakii lagu qaaday xarunta CID da & ugu yaraan 9 qof oo ku dhimatay

31 July 2016 (Puntlandes) Warar ee ka soo baxaya Weerarkii lagu qaaday xarunta CID da ee dambi baarista Booliska Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada DFS ay toogteen dabley Weerarka soo qaaday.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa Qaraxa hore lala beegsaday afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka gidaarka dhismaha CID.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 ruux ay ku dhinteen qaraxa 15 kalena ay ku dhaawacmeec, dadka ku waxyeeloobay Weerarkaasi waxaa u badan dad shacab ah maadaama wadada qaraxa ka dhacay ay aheyd mid mashquul ah oo gaadiidka maraan ay intaas ka badan karaan.

Qaraxyada ayaa saameeyay Gaadiidkii wadada mareysay, waxaana nawaaxiga xarunta CID ka muuqday bur burka gawaaridii qaraxa fulisay iyo kuwa kale.

Dableydii ka tirsanaa Kooxda Alshabaab oo Weerarka soo qaaday oo afar ahaa ayey labo toogteen ciidamada DFS halka labada kale ay Qaraxyada ku dhinteen.

Waa weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Muqdisho, Talaadadii la soo dhaafay ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

qarax-cid

qarax-cid2

qarax-cid1

qarax-cid3

Puntlandes.com

 

About The Author