Sawirro: Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayey Ciyaartooyda Puntland

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho xalay waxaa soo qaban qaabiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidammada Asluubta, dublumaasiyiin uu ka mid ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo kalmadii ugu horeysay jeedisay islamarkaana faah faahin ka bixisay Munaasabadda ayaa sheegtay in Munaasabadda uu soo qaban qaabiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad u jeedaduna tahay in la dhiiri geliyo ciyaartooyda kubadda cagta Puntland ee hantay koobkii maamul goboleedyada Dalka.

Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Soomaaliya oo iyaguna Munaasabadda ka hadlay ayaa si isku mid ah u guubaabiyey guushaas ay gaareen ciyaartooyda Puntland ee hantay koobkii maamul goboleedyada.

Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Tigaana oo Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Munaasabadda sagootinta ah ee uu ciyaartooyda Puntland u sameeyey sidoo kalena madaxdii uu ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyey kasoo qeybgalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac “Jangali” oo isaguna munaasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa bogaadiyey ciyaaraha ceynkan ah ee ay isku dhex galayaan gobollada Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa isaguna ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen Ciyaartooyda Puntland taasi oo uu ku tilmaamay iney tahay guul u soo hooyatay shacabka, golaha Wakiillada ay mataannaha yihiin iyo Xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbadii ugu dambeysay ee munaasabadda jeediyey ayaa u hambalyeeyey dhammaanba kooxihii ka socday dowlad goboleedyada ee tartankii xamar lagu qabtay ka qeybgalay waxaana uu dhanka kale Guddooomiyaha Baarlamaanku bogaadiyey sii socoshada ciyaaraha ceynkan ah ayadoo ay gebi ahaanba gobollada Soomaaliya laga qeybgalinayo maadaama aanay ciyaaruhu xuduud laheyn.

Munaasabadda lagu sagootinayey Ciyaartooyda kooxda kubadda cagta Puntland oo sidoo kale aheyd casho sharaf ciyaartooyda loo sameeyey ayaa intii ay socotay waxaa suugaan kala duwan kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda Shamsudiin Band.

IMG_2641

IMG_2674

IMG_2717

IMG_2724

IMG_2745

IMG_2824

IMG_2854

IMG_2859

IMG_2896

IMG_2904

IMG_2912

IMG_2927

IMG_2935

Puntlandes.com

About The Author