XOG: Guddigii doorashada dadban ee qaranka oo uu si qarsoodi ah casho ugu kaxaystay musharax Xasan Sheekh

31 July 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay caawa ogaatay in musharax Xasan Sheekh uu caawa Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT si qarsoodi ah casho ugu kaxaystay.

229-5c2

Guddigaani waxaay ahayd in uu madax bannaan yahay, dhexdhexaadna ka noqdo Musharixiinta u tartamaysa xilka madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo in Doorashadeedu dhacdo dhawaan. Hasee yeeshee waxaa dhanka musharax Xasan Sheekh u afduubay guddiga guddoomiyahooda Abuukate Cumar Dhagey  oo ka shaqeeya xafiiska Xasan Sheekh.

Madaama sidii laga baqayey ay muuqato in aan lagu kalsoonaan karin Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT, waxay musharixiibta kale codsanayaan in guddigan laga saaro shaqsiyaadka fara ku tiris ah ee lagu tuhmayo xafiiska madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Haddii kale waxaa barri sidoo kale iyana dhankooda ku doodaya inay casuumaan Guddiga musharixiinta kale ee la tartamaya musharax Xasan Sheekh.

Doorasho XOR ah oo XALAAL ah kama suurto gelayso inay ka qabsoonto Soomaaliya haddii aan laga saarin Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh, kuwaas oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Guddiga Abuukate Cumar Dhagey oo uu Xasan Sheekh keensaday.

Si ay u helaan kalsooni ummadda Soomaaliyeed iyo musharixiinta kale ee la tartamaysa musharax Xasan Sheekh waxaa qasan ah in Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT laga saaro Shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author