Dhagayso: Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo sheegay inuu ka socdo Xafiiska musharax Xasan Sheekh laakiin uu dhexdhexaad u noqonayo musharixiinta

1 Aug 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT, Abuukate Cumar Maxamed Dhagey, oo ahaa Shaqaale ka tirsan xafiiska Musharax Xasan Sheekh ayaa isagoo isku dayaya inuu dajiyo ummadda Soomaaliyeed, musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxa uu sheegay inay dhexdhexaad yihiin ayna u dhexeeyaan musharixiinta.

229-5c2

Gudoomiyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa qiray inuu ka socdo Xafiiska musharax Xasan Sheekh laakiin uu dhexdhexaad u noqonayo musharixiinta, taasoo aan ahayn wax is qaban kara.

Si ay u helaan kalsooni ummadda Soomaaliyeed iyo musharixiinta kale ee la tartamaysa musharax Xasan Sheekh waxaa qasab ah in Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT laga saaro Shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh.

HOOS KA AKHRISO Warbaahinta Puntlandes oo Qoraalo ay ku kashifayso ka qortay Shaqsiyaadka aan lagu kalsoonaan karin ee ku jira FIEIT

XOG: Guddigii doorashada dadban ee qaranka oo uu si qarsoodi ah casho ugu kaxaystay musharax Xasan Sheekh

XOG-FAALLO: Xasan Sheekh oo mar kale Is cimaamadaya & Gaas & Cumar oo hurdo dheeer ku jira!!!

Dhagayso VOA oo waraysatay Gudoomiye Cumar Dhagey


Puntlandes.com

About The Author