Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa shirka IGAD uga qeyb-galay

5 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa Addis Ababa uga qayb galaya shirka Wadamada IGAD ee halkaasi ha furmay, kaasoo looga hadlayo  xallinta mashaakillaadka ka jira Suudaanta Koonfureediyo Soomaaliya.

Ajendaha ugu weyn ee shirka ayaa ah in wada hadal  lagu dhammeeyo colaadda ka dhallatay siyaasadda ee ka taagan Suutaanta Koofureed, iyadoo shirku ay joogaan wakiillo ka socda dhinacyada is haya, sidoo kale madaxda IGAD, ayaa ka hadlaya ammaanka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in masuuliyad weyn ay ka saran taha dhammaan madaxda gobolka gaar ahaan dalalka IGAD in si dhab ah wax looga qabto xaaladda ka jirta waddanka Suudaanta Koonfuteed.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka furitaankiisa ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay meel gabogabo ah marsiineyso diyaarinta barnaamijka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay wadamada IGAD in ay gacan siiyaan howshaasi, isla markaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay fuliyo waxa ay raaliga ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirka dalalka IGAD, ayaa lagu wadaa in caawa uu soo gabogaboobo.

Dhanka kalena madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulammo gaar-gaar ah la leh  madaxweyneyaasha shirkhirk akaqeyb-galay iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.

IB0A2946 (1)IB0A3140IB0A3107IB0A3018 (1)IB0A3018IB0A2989

Puntlandes.com

About The Author