Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo sheegay in waqt kooban lagu dhamaystiri karo doorashada Soomaaliya

5 Aug 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ugu badnaan labo bilood lagu soo dhamaystiri karo doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.
229-1b5
Waraysi gaar ah oo uu siiyey madaxweyne Gaas idaacadda VOA ayuu ku sheegay in inkastoo aysan madaxdu isla gaarin heshiis kama dambays ah laakiin uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo laba bilood.

Gaas oo ka mid ah madaxda Hogaamiyaasha Qaranka ee ka qeybgalaya shirka ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha ku baxaya Doorashada ay tahay mid ay si wadajir ah u bixinayaan Beesha Caalamka iyo Soomaalida.

Dhagayso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas


Puntlandes.com

About The Author