XOG: Ciidamada Kumaandooska ee Danab oo ka degay Gaalkacyo si ay usoo galbiyaan Raashinkii Turkiga qaybta Galmudug & Hiiraan

6 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in magaalada Gaalkacyo ay xalay ka dageen Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

229-7d6

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Ciidamadan ayaa fariisin ka sameystay Duleedka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Sida ay qoreen Saxaafadda Koonfurta Ciidankaan gaaray Magaalada Gaalkacyo lama aysan wareegin Garoonka Gaalkacyo ee Abdulahi Yusuf Airport iyo magaalada Gaalkacyo midna laakiin waxay u tageen halkaas inay usoo galbiyaan dhanka Koonfurta Raashin ay dawlada Turkigu ugu deeqday Soomaaliya qaybtii kusoo aaday maamulka Galmudug iyo Gobolka Hiiraan.

Raashinka Galmudug iyo Gobolka Hiiraan ayaa waxay uu kasoo Shiraacday Dekedda Bosaso shalay iyagoo si nabadgalyo ah kusoo maraya wadada isku xirta Bosaso iyo Gaalkacyo oo dhererkeedu uu yahay 750KM, halkan ka akhriso kana daawo faahfaahin.

Waxaa wax laga xumaado ah in Raashin yar oo Mucaawimo ah gayntiisa meeshii loogu talo galay ku baxdo lacag ka badan qiimihiisa, Soomaalidu goorma ayey Hurdada ka toosayaan oo garanayaan dantooda.

Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne waxay u jirtaa magaalada Muqdisho 350Km, iyadoo uu Raashinku kasoo degay Muqdisho kadibna Markab loogu saaray Bosaso iminka Baabuur kor u dhaafaysa 40 ay kasoo wado Bosaso kuna soo wajahan tahay Gaalkacyo halkaasoo ay Ciidamada Gaalkacyo gaaray ay ka galbin doonaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay  ilaa iminka Puntland oo ku saabsan  Ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee xalay ka degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Puntlandes.com

 

About The Author