BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay waqtiga rasmiga ah ee ay dhacayso Doorashada dalka

7 Aug 2016 (Puntlandes) Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee Arbacadii ay bishu ahayd 3 da ka furmay magaalada Muqdisho oo lagu go’aaminayey qodobo muhiim u ah inay doorasho ka dhacdo Soomaaliya sanadkan, ayaa Qodobo muhiim ah ee Heshiis looga gaaray ilaa iminka waxaa ka mid ah Xiliyada lasoo Xulayo ama lasoo Dooranayo Labada Aqal ee Baarlaanka Federaalka iyo Doorashada madaxda Soomaaliaya.

226-3

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Waqtiyada RASMIGA ah ee ay dhacayaan doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ayaa waxaa la go’aamiyeen wakhtiga doorashada taaso sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes galabta la shaacin doono.

Hoos ka akhriso waqtiga RASMIGA ah ee ay dhacayso Doorashada.

1) Aqalka sare waxaa la dooranayaa September 25.

2) Golaha shacabka waxaa la dooranaya  24-10 Oktoober, waxaa la dhaarinayaa 11-19 Oktoober

3) Doorashada Guddoonka 25 October

4) Doorashada Madaxweynaha October 30, 2016.

Hoos ka akhriso Nuqulkii ay horay u heshay Warbaahinta Puntlandes taasoo ay soo daabacday 5tii bisha

BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay Nuqul Ka mid ah Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Wararka ku soo kordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author